Waa maxay tarxiilka degdeg ah?
Maxaa is bedelay? Maxay isbeddelladaan muhiim u yihiin?
Su'aalaha Joogtada ah ee ku saabsan Tarxiilka Degdega ah
Sideen u weydiisan karaa dawladda Maraykanka inay ii ogolaato in aan magangalyo codsado?
Sidee ayuu u shaqeeyaa habka waraysiga?
Ma la i hayn doonaa (xabbis) haddii la igu daro tarxiilka degdeg ah?
Qareen ma u qabsan karaa dacwadaha tarxiilka degdega ah?
Sideen uga bixi karaa tarxiilka degdeg ah? Ma la kulmi karaa garsoore?
Haddii aan ka walwal sanahay tarxiilka degdeg ah, maxaan samayn karaa?
Guud-mar
Maqaalkan waxa uu qeexayaa waxa ay tahay tarxiilka degdega ah iyo cidda ay saamayn karto. Waxay wadaagaysaa macluumaadka ku saabsan dadaalka Trump ee lagu ballaarinayo tarxiilka degdega ah Janaayo 2025. Macluumaadka muhiimka ah ee maqaalkan waxaa ka mid ah:
- Macluumaad ku saabsan habka tarxiilka degdega ah,
- Cidda lagu dari karo habkaan,
- Maxaa dhacayo marka aad ku jirto habka, iyo
- Marka uu qof ka bixi karo habka siu u u joogo Mareykanka.
Waa maxay tarxiilka degdega ah?
Tarxiilka degdeg ah waa hab u oggolaanaya dawladda Maraykanka in ay si degdeg ah dadka qaar u masaafuriyaan. Tusaale ahaan, tarxiilka degdega ah ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray in si degdeg ah looga musaafuriyo dadka soo galay Maraykanka fasax la'aan oo kula kulmay saraakiisha socdaalka Maraykanka meel u dhow xadka.
Tarxiilka degdeg ah, xaq uma lihid inaad la kulanto garsoore. Taa beddelkeeda, sarkaal kale oo dawladeed ayaa amri kara in lagu masaafuriyo adiga oo aan waligaa fursad u helin in uu kiiskaaga maxkamadda horgeysato. Marka amarka la diro, waxaa laguu saari karaa dalkaaga aad u dhalatay. Jinsiyadaha qaarkoodna, waxaa sidoo kale loo saari karaa waddan kale, sida Magsiko.
Waxaan maqlay in habkaan la bedelay xilliga Trump. Maxay yihiin siyaasadaha cusub eek u saabsan tarxiilka degdega ah? Sideen ku ogaan karaa inay I saameynayso?
Laga bilaabo Janaayo 23, 2025, dawladda waxay sheegtay in dadka aan haysan ogolaansho ay ku soo galaan Maraykanka si dayn sharafeed ama fiiso oo aan caddayn karin in ay Maraykanka joogeen in ka badan laba sano in lagu dari karo tarxiilka degdega ah. Dadka taga marinada rasmiga ah ee laga soo galo oo weydiisanaya inay ka soo galaan Maraykanka ayaa sidoo kale wali lagu dari karaa tarxiilka degdeg ah.
Haddii aad Maraykanka ku soo gashay fiiso la'aan ama oggolaansho kale oo sharci ah labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa laga yaabaa in lagugu daro tarxiilka degdeg ah. Laga bilaabo Janaayo 23, 2025, dawladda Maraykanka waxay sheegtay inay isku dayi doonto inay dadka si degdeg ah u tarxiili doonto xitaa haddii ay Maraykanka ku soo galeen sii dayn sharafeed. Inta aan fahamsanahay, dowladda waxay hadda u sheegtay saraakiisha socdaalka Mareykanka inay dib u eegis ku sameeyaan sii dayn sharafeedka dadka ku soo galay barnaamijyo sii dayn sharafeed qaarkood oo ay dib u eegis ku sameeyaan in lagu dari karo tarxiilka degdega ah. Dawladda waxay sheegtay in tani ay khusayso dadka ku soo galay ballamaha CBP One, iyo sidoo kale dadka sii dayn sharafeed ku helay Kuubaan, Haytiyaan, Nicaraguan, ama dhalasho Venezuela ah haysta. Waxa laga yaabaa inay khusayso dadka kale.
Dadka xaaladdan ku jira ee kiis magangelyo horey ugu yaalay maxkamadda socdaalka, dawladda Maraykanka waxay isku dayi kartaa inay kiisaskooda maxkamadda dhameyso beddelkeedana ku riddo tarxiil degdeg ah. Dawladda waxay sheegtay inay rabaan inay siyaasaddan u adeegsadaan inta badan dadka ku soo galay sii dayn sharafeed sannad ama ka badan ka hor oo aan weli codsan magangelyo.
Maxaa is bedelay? Maxay isbeddelladaan muhiim u yihiin?
Isbeddeladan ka hor, dadka horey ugu suganaa gudaha Maraykanka waxa kaliya oo lagu ridi karaa tarxiil degdeg ah haddii ay dawladda Maraykanka ka qabatay meel 100 mayl u jirta xuduudka Maraykanka iyo 14 maalmood gudahooda marka ay dalka soo galeen.
Hadda, haddii aad Mareykanka ku soo gashay fiiso la'aan ama oggolaansho sharci oo kale labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa lagugu dari karaa tarxiilka degdeg ah. Muhiim maahan inta aad xadka u jirtay. Tani waxay la macno tahay in dad badan oo Maraykanka jooga hadda lagu dari karo tarxiilka degdeg ah.
Su’aalaha Joogtada ah ee ku saabsan Tarxiilka Degdega ah
Haddii la igu daro tarxiilka degdeg ah, weli ma codsan karaa magangelyo ama nooc kale oo oggolaansho ah oo aan ku joogo Maraykanka?
Tarxiilka degdeg ah, kaliya waxaad keliya bilaabi kartaa hab aad ku aragto haddii laguu oggol yahay inaad codsato magangelyo ama oggolaansho kale oo aad ku joogto Maraykanka. Haddii laguugu daray tarxiilka degdega ah, ma dalban kartid magangalyo ilaa ay dawlada Maraykanka go'aansato in laguu oggolaado inaad sidaas samayso.
Sideen u weydiisan karaa dawladda Maraykanka inay ii ogolaato in aan magangalyo codsado?
Haddii aad ka baqayso inaad ku laabato dalkaagi hooyo, oo aad u sheegto sarkaal ka tirsan dawladda Maraykanka inaad ka cabsanayso, waa in lagaa qaado waraysi. Waxa aad ku sheegto waraysigaas ayaa dawladda Maraykanka ka caawin doonta in ay go'aan ka gaarto in laguu oggolaado in aad codsato magangalyo ama nooc kale oo oggolaansho ah oo aad ku joogto Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, runtii waa muhiim in la xasuusto in saraakiisha socdaalka aysan ku weydiin doonin haddii aad ka baqeyso ama haddii aad rabto inaad codsato magangalyo. Tani waxay ka dhigan tahay inay u badan tahay in aysan ku weydiin doonin. Sababtaas awgeed, haddii aad ka baqeyso inaad dib ugu laabato, waa in aad tan u sharaxdaa saraakiisha Mareykanka sida ugu dhaqsaha badan iyo inta badan ee suurtogalka ah. Waxaad u sheegi kartaa wax ka badan hal qof, waxaadna u sheegi kartaa wax ka badan hal mar.
Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado haddii aad la joogto qoyskaaga, waxaa laga yaabaa inaad kala tagtaan. Sidaa darteed, haddii aad ka baqeyso inaad ku laabato dalkaagi hooyo, waa inaad hubisaa in qof kasta oo qoyskaaga ka mid ah uu yaqaan sida tani u shaqeyso, oo ay ogyihiin inay sidoo kale u sheegaan saraakiisha socdaalka Mareykanka sababta ay uga baqayaan sida ugu dhaqsaha badan ee ay awoodaan iyo marar badan inta ay awoodaan. Tani xitaa waa ku jiraam carruurta.
Sidee ayuu u shaqeeyaa habka waraysiga?
Haddii aad u sheegto sarkaal socdaalka Maraykanka inaad ka baqayso inaad ku laabato wadankaagii, waa in lagaa qaadaa waraysi. Iyadoo ku xiran duruufahaaga, tan waxaa lagu magacaabi karaa "wareysi cabsi la aamini karo" ama "wareysi cabsi macquul gal ah." Waxa ugu muhiimsan ay tahay in aad ka ogaato waraysigan waa in sarkaalka socdaalka uu isku dayayo in uu fahmo sababta aad uga cabsanayso inaad ku laabato wadankaagi iyo inay taasi la macno tahay in laguu oggolaado inaad codsato inaad joogtid Maraykanka.
Xusuusnow in wareysiga uusan ku siinayn magangalyo. Haddii aad ka gudubto, wuxuu keliya ku siinayaa fursad aad ku xareysatid magangalyo.
Waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan wareysiyadaan halkaan.
Ma la i hayn doonaa (xabbis) haddii la igu daro tarxiilka degdeg ah?
Haa, waa lagu hayn karaa waxayna u badan tahay in lagu hayn doono. Inta badan dadka lagu daro tarxiilka degdeg ah waa la hayaa inta ay saraakiisha Maraykanka ay ka bilaabayaan howsha masaafurinta iyo/ama inta lagu jiro habka waraysigooda. In la hayo waxay la macno tahay in xabsi laguugu hayo.
Qareen ma u qabsan karaa dacwadaha tarxiilka degdega ah?
Haa, waa laguu ogol yahay inaad qareen qabsato. Tarxiilka degdega ah wuxuu ku dhacaa si dhakhso ah, markaa waa muhiim inaad la xiriirto qareen isla markiiba.
Haddii lagu xiro, waxaad xaq u leedahay inaad codsato qareen, waxaadna xaq u leedahay inaad wacato telefan si aad iskugu daydo inaad qareen qabsato. (Tani waxay la macno tahay in saraakiisha aanay kaa joojin karin inaad qareen waydiisato oo aanay kaa joojin karin inaad wacato telefan si aad iskugu daydo inaad mid hesho.)
Waa muhiim in aadan saxiixin dukumiintiyo aadan fahmin. Haddii aad tahay qof halis ugu jira in lagu daro nidaamka tarxiilka degdega ah, waxaa laga yaabaa inay ku caawiso inaad la hadasho qareen ka hor inta aanan la kulmi wax sharci fulin ah.
Sideen uga bixi karaa tarxiilka degdeg ah? Ma la kulmi karaa garsoore?
Haddii aad ka gudubto waraysi cabsi lagu kalsoonaan ama macquul gal ah, waxa laguugu meelayn doonaa dacwadaha maxkamada socdaalka. Taasi waxay la macno tahay inaad fursad u heli doonto inaad kiiskaaga u bandhigato garsooraha socdaalka. Haddii aadan u sheegin saraakiisha socdaalka Mareykanka cabsida aad ka qabto inaad ku laabato dalkaagi hooyo, ama aadan helin go'aanka toga nee wareysiga cabsida lagu kalsoonaan karo ama macquul galka ah, saraakiisha socdaalka Mareykanka waxay kuu masaafurin karaan si deg deg ah adigoon arag garsoore. Haddii aad uga baxsato tarxiilka degdeg ah maxkamada socdaalka, waxa laga yaabaa inaad weli ku sii jirto xabsiga inta ka harsan kiiskaaga.
Haddii aan ka walwal sanahay tarxiilka degdeg ah, maxaan samayn karaa?
Qof kasta oo aan ku lahayn sharciga abidka ah ee Maraykanka, oo soo galay wax ka yar laba sano ka hor, waa inuu kala tashadaa qareen socdaal xaaladdooda shakhsi ahaaneed haddii ay suurtogal tahay. Si sax ah uma ogin sida saraakiisha socdaalka Maraykanku u dabaqi doonaan siyaasadahan cusub.
Haddii aad ka welwelsan tahay tarxiilka degdeg ah, waxaa jira waxyaabo lagaaga baahan yahay inaad haysato mar walba haddii ay ku joojiyaan sharci fulinta. Kuwaas waxaa ka mid ah:
-
Haddii aad Sharci ku leedahay Mareykanka:
- Caddaynta sharcigaaga, sida waraaqaha muujinaya socdaalkaaga ama heerkaaga muwaadinimo
-
Haddii aad haysato kiis maxkamadeed ama codsi socda:
- Warqad ama caddayn kale oo sheegaya inaad haysato kiis furan ama codsi. Nasiib darro, dawladda waxaa laga yaabaa inay wali kugu darto tarxiilka degdeg ah.
-
Haddii aad dalka soo gashay in ka badan laba sano ka hor:
- Dukumiinti muujinaya muddada aad ku noolayd Maraykanka. Kuwaas waxaa ka mid noqon kara tigidyada diyaaradda, kaararka aqoonsiga gobolka, kaararka maktabadda, boosto shaabadaysan oo leh magacaaga iyo cinwaanka gurigaaga, diiwaanka dugsiga, heshiisyada kirada, iyo dukumiintiyo kale oo la mid ah oo muujinaya inaad ku noolayd Mareykanka in ka badan laba sano.
Xusuusnow in aadan ka jawaabin su'aalaha ku saabsan xaaladdaada socdaalka – fiiri halkaan wixii macluumaad dheeri ah ee ku saabsan xuquuqahaaga haddii ay su’aalo ku waydiiyaan qaybta socdaalka.
Macluumaad iyo illo dheeri ah
NILC Ogow Xuquuqahaaga Tarxiilka Degdega ah Degdega ah
National Immigrant Justice Center: Ogow xuquuqahaaga haddii aad la kulanto ICE
Mashruuca Caawinta Qaxoontiga Caalamiga ah (IRAP) waxa uu siiyaa caawimo sharci oo bilaash ah qaar ka mid ah qaxootiga iyo barakacayaasha.
IRAP waxay go'aansataa inay caawiso dadka iyadoo ku saleysan baahidooda iyo u qalmida heerka socdaalka. IRAP ma go'aansato in ay caawiso dadka iyada oo loo eegayo shuruudo kale oo bulsho ama siyaasadeed ama diimeed. Mareegtan waxa ay ku siinaysaa macluumaad guud oo ku saabsan hababka sharci ee ay heli karaan qaxootiga qaarkood. Looma jeedo talo sharci ahaan codsiyada shakhsi ahaaneed. Shuruudaha ayaa laga yaabaa inay isbedelaan. Had iyo jeer hubi shuruudaha hadda jira ee dawladda ama wakaalada markaad go'aaminayso codsigaaga. Haddii aad ku jirto xaalad degdeg ah oo qaxooti, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto xafiiska UNHCR ee dalka aad ku nooshahay. |