Jadwalka Mawduuca
Maqaalkan waxaa ugu dambeyntii la cusbooneysiiyay Agoosto 20, 2026
Hagahan waxa uu ku siinayaa macluumaad ku saabsan la xidhiidhka qofka sheeganaya in uu u shaqeeyo IRAP, ama sheeganaya in uu matalo IRAP.
Dhammaan caawinta IRAP waa bilaash.
- Marna ma weydiisaneyno lacag ama adeegyo kale si aan ku siino caawimaad sharci.
- Ma jiro qof ku xiran IRAP o xaq uleh inuu ku weydiiyo lacag ama adeeg kale.
- Marna lacag ma qaadano si aa shaqo u dalabno.
- Marna ma wadno bakhtiyaanasiibka mana bixinno abaalmarinno ama lacag.
- Marna ku weydiin mayno magacaaga isticmaalaha ama eraygaaga sirta ah.We will never ask you for your username or password.
Waa inaadan qofna lacag siin.
- Si aad ula xiriirto IRAP.
- Si aad u hesho nooc kasta oo gargaar ah IRAP.
- Si aad u hesho nooc kasta oo gargaar ah UNHCR.
- Si aad shaqo kasta uga codsato IRAP.
IRAP waxay ku wada xidhiidhi doontaa oo keliya kanaalada rasmiga ah.
- Waxaan kaliya kuugu soo diri doonaa ciwaanada iimaylka ee ku dhamaanaya @refugeerights.org
- IRAP waxay ka shaqeysaa laba Bog internetka. Kuwani waa bogagga internetka kaliya ee ay maamusho IRAP.
- iraplegalinfo.org
- refugeerights.org
- Xisaabaadka warbaahinta bulshada ee rasmiga ah ee IRAP waa:
- Facebook Chatbot
- X/Twitter: @IRAP
- Bluesky: @irap.bsky.social
- Instagram: @RefugeeAssistance
Waxaad soo sheegi kartaa khiyaanada.
Haddii aad aaminsantahay in uu kula soo xidhiidhay qof sheeganaya in uu yahay shaqaale IRAP balse aan ahayn shaqaalaha IRAP, fadlan iimayl u dir fraudalert@refugeerights.org. Ciwaanka iimaylkan waxa kaliya oo loo isticmaali doona in lagu helo warbixinaha khiyaanada. IRAP ma isticmaali doonto ciwaanka iimaylkan si ay u tixgeliso codsiyada caawinaada sharciyeed.
Mashruuca Caawinta Qaxoontiga Caalamiga ah (IRAP) waxa uu siiyaa caawimo sharci oo bilaash ah qaar ka mid ah qaxootiga iyo barakacayaasha.
- IRAP waxay caawisaa dadka qaar inay helaan adeegyo oo ay diyaariyaan codsiyada qaxootiga iyo fiisaha.
- IRAP kama mid aha dawlad, IOM, ama UNHCR.
- IRAP ma siin karto sharci qaxooti ama fiisooyin mana dadajin karto kiisaska.
- IRAP ma bixin karto kaalmo dhaqaale, ma heli karto ama ma bixin karto guryaha, mana heli karto shaqooyin.
- Dhammaan caawinta IRAP waa bilaash. Ma jiro qof ku xiran IRAP xaq uma laha inuu ku weydiiyo lacag ama adeeg kale.
IRAP waxay go'aansataa inay caawiso dadka iyadoo ku saleysan baahidooda iyo u qalmida heerka socdaalka. IRAP ma go'aansato in ay caawiso dadka iyada oo loo eegayo shuruudo kale oo bulsho ama siyaasadeed ama diimeed.
Mareegtan waxa ay ku siinaysaa macluumaad guud oo ku saabsan hababka sharci ee ay heli karaan qaxootiga qaarkood. Looma jeedo talo sharci ahaan codsiyada shakhsi ahaaneed.
Shuruudaha ayaa laga yaabaa inay isbedelaan. Had iyo jeer hubi shuruudaha hadda jira ee dawladda ama wakaalada markaad go'aaminayso codsigaaga.
Haddii aad ku jirto xaalad degdeg ah oo qaxooti, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto xafiiska UNHCR ee dalka aad ku nooshahay.
Comments
0 comments
Please sign in to leave a comment.