Jadwalka Mawduuca
Maqaalkan waxaa ugu dambeyn la cusbooneysiiyay 2-da Abriil, 2026.
Soo koobid
Maqaalkani waxa uu sharxayaa waxa ay tahay ka saarista degdegga ah iyo cidda ay saamayn karto. Waxa kale oo uu bixiyaa macluumaad ku saabsan dadaallada dowladda Maraykanka ee lagu ballaarinayo isticmaalka ka saarista degdegga ah tan iyo Janaayo 2025. Maqaalkani waxa uu ka kooban yahay:
- Macluumaad ku saabsan habka ka saarista degdegga ah,
- Cidda lagu dari karo habkan,
- Waxa dhaca marka aad ku jirto habkan, iyo
- Goorta qofku uga bixi karo habkan si uu isugu dayo inuu sii joogo Maraykanka.
Waa maxay ka saarista degdegga ah?
“Ka saarista degdegga ah” waa hab ay dowladda Maraykanku u adeegsan karto in si dhakhso leh dadka qaarkood looga saaro dalka. Tusaale ahaan, ka saarista degdegga ah waxaa muddo dheer loo isticmaalayay in si degdeg ah dadka looga saaro Maraykanka kuwaas oo galay dalka iyaga oo aan ogolaansho haysan isla markaana la kulmay saraakiisha socdaalka ee Maraykanka meel u dhow ama xadka.
Habka ka saarista degdegga ah, ma laha xaq aad ku hor marto garsoore. Halkii, mas’uul kale oo ka tirsan dowladda ayaa amar kaa siin kara in lagaa saaro dalka adiga oo aan helin fursad aad ku soo bandhigto kiiskaaga maxkamad. Marka amarka la geliyo, waxaa lagu deporti karaa dalkaaga dhalashada. Sidoo kale, waxaa jiri karta suurtagalnimo in dowladda ay ku deportiso dal kale oo aadan ka imaanin.
Sidee maamulka Trump u isku dayay inuu beddelo xeerarka ku saabsan ka saarista degdegga ah?
Bishii Janaayo 2025, dowladda waxay soo saartay xeerar cusub si loo ballaariyo isticmaalka ka saarista degdegga ah. Maamulka Trump wuxuu shaaca ka qaaday in dadka aan ku soo gelin Maraykanka fiiso, isla markaana aan caddeyn karin inay dalka joogeen in ka badan laba sano, lagu dari karo habka ka saarista degdegga ah. Waxay sheegeen in xaalado qaar, xitaa dadka dalka joogay in ka badan laba sano lagu dari karo habkan. Tani waxay sidoo kale khuseysaa dadka codsaday inay galaan Maraykanka iyaga oo ka soo galaya albaab rasmi ah oo lagu galo dalka (sida kan ku yaal xadka Maraykanka iyo Mexico).
Qaar ka mid ah dadka ayaa dacwad ka gudbiyay ballaarinta ka saarista degdegga ah, waxaana garsoore federaal ah go’aamiyay in dowladda aanay fulin karin siyaasadahaan inta dacwadda socoto. Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan dacwaddan waxaa laga heli karaa halkan.
Dowladdu sidoo kale waxay sheegtay bishii Janaayo 2025 inay bilaabi doonto in qaar ka mid ah dadka lagu daro ka saarista degdegga ah xitaa haddii ay Maraykanka ku soo galeen iyaga oo haysta parole. Waxay sheegeen in tan lagu dabaqi doono dadka soo galay iyaga oo haysta ballamaha CBP One, iyo sidoo kale dadka helay parole iyaga oo ah muwaadiniin ka socda Cuba, Haiti, Nicaragua, ama Venezuela.
Qaar ka mid ah dadka ayaa sidoo kale dacwad ka gudbiyay siyaasaddan, waxaana garsoore federaal ah go’aamiyay in dadka Maraykanka ku soo galay iyaga oo haysta parole aan lagu dari karin ka saarista degdegga ah waqtigan. Dacwadda weli waa socota, waxaana macluumaadkii ugu dambeeyay laga heli karaa halkan.
Maxay muhiim u yihiin isbeddelladani?
Ka hor isbeddelladani, dadka horey gudaha Maraykanka u joogay waxaa lagu dari karayay ka saarista degdegga ah kaliya haddii saraakiisha socdaalka ay qabtaan 100 mayl u jirta xadka dalka iyo 14 maalmood gudahood tan iyo markii ay gudaha u galeen dalka.
Markii maamulka Trump isku dayay inuu beddelo xeerarka ka saarista degdegga ah, waxay sheegeen in aysan muhiim ahayn inta aad ka fogtahay xadka. Tani waxay ka dhigan tahay in dad badan oo gudaha Maraykanka jooga hadda lagu dari karo ka saarista degdegga ah. Sidoo kale, dadka horey u haystay kiiska magangelyo ee maxkamadda socdaalka, dowladda ayaa sheegtay in ay isku dayi karto in kiiskooda hore loo joojiyo laguna daro ka saarista degdegga ah beddelkeeda. Tani waxay gelinaysaa khatar ah in lagu xirto laguna deport gareeyo ka hor inta aysan helin fursad ay si buuxda uga difaacaan kiiskooda hortiisa garsoore.
In kasta oo xeerarkan hadda la hakiyay, waxaa suurtagal ah in dowladda ay samayso isbeddello kale oo siyaasad ah si loo ballaariyo isticmaalka ka saarista degdegga ah loona dabaqo kooxo kale sidoo kale. Qof kasta oo aan haysan xaalad sharciyeed joogto ah (green card) gudaha Maraykanka waa inuu fiiro gaar ah u yeesho cusbooneysiinta iyo wararka ku saabsan sida xeerarkan u beddelmayaan iyo sida ay mustaqbalka u saameyn karaan.
Su’aalaha Caamka ah ee ku Saabsan Ka Saarista Degdegga ah
Haddii lagu daro ka saarista degdegga ah, ma wali codsan karaa magangelyo ama nooc kale oo ogolaansho ah si aan ugu sii joogo Maraykanka?
Habka ka saarista degdegga ah, waxaad kaliya bilaabi kartaa hab lagu hubinayo inaad xaq u leedahay inaad codsato magangelyo ama ogolaansho kale oo aad Maraykanka ku sii joogto. Haddii aad ku jirto ka saarista degdegga ah, ma codsan karto magangelyo ilaa dowladda Maraykanka ay go’aamiso inaad xaq u leedahay inaad sidaas samayso.
Sideen dowladda Maraykanka uga codsan karaa inay ii ogolaato inaan codsado magangelyo?
Haddii aad ka baqayso inaad ku laabato dalkaga, oo aad u sheegto mas’uul dowladeed inaad ka baqayso, waa in laguu qabtaa wareysi. Waxa aad ku sheegto wareysigaas ayaa ka caawin doona dowladda Maraykanka inay go’aamiso haddii laguu oggolaanayo inaad codsato magangelyo ama nooc kale oo ogolaansho ah si aad Maraykanka ugu sii joogto.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la xasuusto in saraakiisha socdaalka aanay qasab ku ahayn inay ku weydiiyaan haddii aad ka baqayso ama haddii aad rabto inaad codsato magangelyo. Tani waxay ka dhigan tahay inay u badan tahay inaysan ku weydiin doonin. Sababtaas awgeed, haddii aad ka baqayso inaad ku laabato dalkaaga, waa inaad sida ugu dhaqsaha badan uguna soo noqnoqota u sheegtaa mas’uuliyiinta Maraykanka. Waxaad u sheegi kartaa in ka badan hal qof, waana inaad u sheegtaa in ka badan hal mar.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la ogaado haddii aad la joogto qoyskaaga, laga yaabo inaad kala go’do. Sidaa darteed, haddii aad ka baqayso inaad ku laabato dalkaga, waa inaad hubisaa in qof kasta oo qoyskaaga ka mid ah uu fahmo sida habkan u shaqeeyo, isla markaana uu ogaado inuu sidoo kale u sheegayo mas’uuliyiinta socdaalka Maraykanka sababta ay uga baqayaan sida ugu dhaqsaha badan uguna soo noqnoqota. Tani waxay sidoo kale khuseysaa carruurta.
Sidee ayuu u shaqeeyaa habka wareysiga?
Haddii aad u sheegto mas’uul socdaalka Maraykanka inaad ka baqayso inaad ku laabato dalkaga, waa in laguu qabtaa wareysi. Iyadoo ku xiran xaaladdaada, wareysigan waxaa laga yaabaa in lagu magacaabo “wareysi cabsi la aqbali karo” (credible fear interview) ama “wareysi cabsi macquul ah” (reasonable fear interview). Waxa muhiimka ah ee laga ogaado wareysigan ayaa ah in mas’uulka socdaalku uu isku dayayo inuu fahmo sababta aad uga baqayso inaad ku laabato dalkaga iyo haddii taas ay ka dhigan tahay inaad xaq u leedahay inaad codsato inaad Maraykanka ku sii joogto. Aad bay muhiim u tahay inaad runta sheegto inta lagu jiro wareysi kasta oo aad la yeelanayso mas’uul socdaalka Maraykanka.
Xasuuso in wareysigan aanu ku siinayn magangelyo. Haddii aad ka gudubto, wuxuu kaliya ku siinayaa fursad aad ku codsato magangelyo.
Waxaa sidoo kale laguu qaban karaa wareysi loo yaqaan “Kormeerka Heshiiska Ka-hortagga Jirdilka” (Convention Against Torture screening). Wareysigan wuxuu ku weydiinayaa jirdilka aad la kulantay ama aad ka baqayso inaad la kulanto haddii aad ku laabato dal gaar ah.
Ma la igu xirin doonaa (lagu hayn doonaa xarig) haddii lagu daro ka saarista degdegga ah?
Haa, waxaa lagu xirin karaa, waxaana u badan tahay inaad la xiro. Inta badan dadka lagu daro ka saarista degdegga ah waa la xiraa inta saraakiisha Maraykanku bilaabayaan habka deport-ka iyo/ama inta lagu jiro habka wareysigooda. La xirnaantu waxay ka dhigan tahay in lagu haysto xarig.
Ma yeelan karaa qareen inta lagu jiro habka ka saarista degdegga ah?
Haa, waxaa laguu oggol yahay inaad yeelato qareen. Ka saarista degdegga ah waxay dhacdaa si dhakhso leh, sidaa darteed waa muhiim inaad isla markiiba la xiriirto qareen.
Haddii laguu xiray, waxaad xaq u leedahay inaad codsato qareen iyo inaad wacdo telefoon si aad u raadiso qareen. (Tani waxay ka dhigan tahay in saraakiishu aanay kaa hor istaagi karin inaad codsato qareen, sidoo kalena aanay kaa hor istaagi karin inaad wacdo telefoon si aad u hesho mid.)
Waa muhiim inaadan saxiixin dukumentiyo aadan fahmin. Haddii aad tahay qof laga yaabo in lagu daro habka ka saarista degdegga ah, waxaa kuu fiicnaan karta inaad la hadasho qareen ka hor inta aadan wax la kulmin saraakiisha sharciga.
Sideen uga bixi karaa ka saarista degdegga ah? Ma arki karaa garsoore?
Haddii aad ka gudubto wareysi cabsi la aqbali karo (credible fear) ama cabsi macquul ah (reasonable fear), waxaa lagu dari doonaa habka maxkamadda socdaalka. Taas macnaheedu waa inaad heli doonto fursad aad kiiskaaga u soo bandhigto garsoore socdaal. Haddii aadan u sheegin mas’uuliyiinta socdaalka Maraykanka cabsi aad ka qabto ku laabashada dalkaga, ama aadan helin go’aan wanaagsan oo ku saabsan wareysiga cabsi la aqbali karo ama cabsi macquul ah, saraakiisha socdaalka Maraykanka waxay ku deporti karaan si dhakhso leh adiga oo aan garsoore arkin. Haddii aad ka baxdo ka saarista degdegga ah oo aad gasho maxkamadda socdaalka, waxaa dhici karta inaad weli ku sii jirto xarig inta kiiskaaga socdo.
Haddii aan ka walwalsanahay ka saarista degdegga ah, maxaa aan sameyn karaa?
Qof kasta oo aan haysan xaalad sharciyeed joogto ah (green card) gudaha Maraykanka, isla markaana gudaha u galay dalka in ka yar laba sano ka hor, waa inuu la tashadaa qareen socdaal oo ku saabsan xaaladdiisa gaarka ah haddii ay suurtagal tahay. Qareen socdaal ayaa kaa caawin kara inaad go’aamiso haddii codsashada magangelyo ama doorashooyin kale oo aad ku dalban karto inaad Maraykanka ku sii joogto si sharci ah ay ku habboon tahay xaaladdaada. Ma garanayno si sax ah sida saraakiisha socdaalka Maraykanka ay u dhaqan gelin doonaan siyaasaddan cusub.
Haddii aad ka walwalsan tahay ka saarista degdegga ah, waxaa jira qaar ka mid ah waxyaabaha aad rabto inaad mar walba la socoto haddii laguu joojiyo saraakiisha sharciga. Waxyaabahaan waxaa ka mid ah:
-
Haddii aad haysato xaalad sharciyeed gudaha Maraykanka:
- Caddaynta xaaladdaada sharciyeed, sida dukumentiyada muujinaya xaaladdaada socdaalka ama dhalashada, oo ay ku jirto macluumaad ku saabsan parole.
-
Haddii aad leedahay kiis ama codsi socda oo maxkamad ah:
- Dukumentiyo ama caddayn kale oo muujinaysa inaad leedahay kiis ama codsi socda, gaar ahaan haddii aad codsatay magangelyo. Nasiib darro, dowladda wali way isku dayi kartaa inay ku daro ka saarista degdegga ah.
-
Haddii aad gudaha u gashay dalka in ka badan laba sano ka hor:
- Dukumentiyo muujinaya inta aad gudaha Maraykanka ku nooleyd. Kuwani waxay ka mid noqon karaan tigidhada diyaaradda, kaararka aqoonsiga gobolka, kaararka maktabadda, boostada la calaamadeeyay oo leh magacaaga iyo cinwaankaaga, diiwaannada iskuulka, heshiisyada kireynta, iyo dukumentiyo kale oo la mid ah oo muujinaya inaad Maraykanka ku nooleyd in ka badan laba sano.
Xasuuso inaadan qasab ku ahayn inaad ka jawaabto su’aalaha ku saabsan xaaladdaada socdaalka – halkan ka eeg macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xuquuqdaada haddii lagaa weydiiyo socdaalka.
Macluumaad dheeri ah iyo ilo caawimo
NILC: Ogaaw Xuquuqdaada – Ballaarinta Ka Saarista Degdegga ah
National Immigrant Justice Center: Ogaaw Xuquuqdaada Haddii Aad La Kulanto ICE
Mashruuca Caawinta Qaxoontiga Caalamiga ah (IRAP) waxa uu siiyaa caawimo sharci oo bilaash ah qaar ka mid ah qaxootiga iyo barakacayaasha.
- IRAP waxay caawisaa dadka qaar inay helaan adeegyo oo ay diyaariyaan codsiyada qaxootiga iyo fiisaha.
- IRAP kama mid aha dawlad, IOM, ama UNHCR.
- IRAP ma siin karto sharci qaxooti ama fiisooyin mana dadajin karto kiisaska.
- IRAP ma bixin karto kaalmo dhaqaale, ma heli karto ama ma bixin karto guryaha, mana heli karto shaqooyin.
- Dhammaan caawinta IRAP waa bilaash. Ma jiro qof ku xiran IRAP xaq uma laha inuu ku weydiiyo lacag ama adeeg kale.
IRAP waxay go'aansataa inay caawiso dadka iyadoo ku saleysan baahidooda iyo u qalmida heerka socdaalka. IRAP ma go'aansato in ay caawiso dadka iyada oo loo eegayo shuruudo kale oo bulsho ama siyaasadeed ama diimeed.
Mareegtan waxa ay ku siinaysaa macluumaad guud oo ku saabsan hababka sharci ee ay heli karaan qaxootiga qaarkood. Looma jeedo talo sharci ahaan codsiyada shakhsi ahaaneed.
Shuruudaha ayaa laga yaabaa inay isbedelaan. Had iyo jeer hubi shuruudaha hadda jira ee dawladda ama wakaalada markaad go'aaminayso codsigaaga.
Haddii aad ku jirto xaalad degdeg ah oo qaxooti, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto xafiiska UNHCR ee dalka aad ku nooshahay.
Comments
0 comments
Please sign in to leave a comment.