Jadwalka Mawduuca
Soo koobid
Hagahan waxaa loogu talagalay inuu caawiyo dadka magangelyo doonka ah inay isugu diyaariyaan wareysiyada ay la yeelanayaan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), si loo qiimeeyo haddii ay yihiin qaxooti. Tani waxaa lagu magacaabaa habka go’aaminta heerka qaxootinimo (RSD).
Haddii aad aqoonsi qaxootinimo ka codsatay xafiiska UNHCR ee dalka aad ku nooshahay, markaas waxaa laga yaabaa inaad yeelato waraysiga RSD. Wareysiga RSD waxa uu ka socdaa xafiiska UNHCR ee sarkaalka UNHCR. Sarkaalka UNHCR ayaa go'aamin doona haddii aad la kulanto qeexida qaxoontiga marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Yaa codsanaya sharciga qaxootinimada?
Hal qof oo qoyska ka tirsan ayaa noqon doona codsadaha koowaad (PA). Marka UNHCR ay u aqoonsato PA qaxoonti ahaan, xaaskooda iyo caruurtooda ka yar 18 sano ayaa sidoo kale loo aqoonsadaa qaxooti.
UNHCR waxa laga yaabaa inay ku darto kuwa kale faylkaaga qaxooti haddii ay kugu tiirsan yihiin. Tusaale ahaan, haddii aad la nooshahay waalid da' ah oo aan is daryeeli karin, UNHCR waxay u qaadan kartaa inay yihiin kuwo kugu tiirsan. Qof kasta oo kugu tiirsan waxa laftiisa loo aqoonsan karaa qaxoonti haddii ay buuxiyaan qeexida qaxoontiga.
Marka wareysiga dhacaayo, filo in UNHCR ay si gooni gooni ah u wareysan doonto qof kasta oo ka weyn 18 sano. UNHCR sidoo kale way waraysan kartaa ilmo. Keliya sarkaalka UNHCR oo leh tababar gaar ah ayaa si gooni gooni ah u wareysan doona cunug.
Ujeedada waraysiga RSD: Qeexida qaxootiga
Wareysiga RSD, UNHCR waxay go'aamin doontaa inaad buuxisay qeexida qaxootiga iyo in kale. Shuruudaha qeexitaanka qaxootigu waa:
- Waxaad ka baxsan tahay waddankaaga.
- Waxaad ka baqaysaa in aad la kulanto dhibaato weyn haddii aad ku laabato dalkaagi. Waa inaad sharaxdaa waxa aad u malaynayso inay dhici karaan haddii aad ku laabato dalkaagi.
- Cabsidaada waa in ay leedahay “asal macquul ah.” Waa inaad sharaxdaa sababta aad uga baqayso in lagugu dhibaateeyo ama lagugu gaarsiiyo waxyeello culus gudaha waddankaaga. Waa inaad sharaxdaa haddii waxyaabihii hore kuu soo maray ay keeneen cabsidaada. Sidoo kale waa inaad sharaxdaa haddii dad xaalad la mid ah tanada ku sugan la dhibaateeyay. Looma baahna inaad keento caddeyn ka baxsan hadalkaaga, balse caddeyn lagu daro sheekadaada waxay noqon kartaa mid waxtar leh. Caddeymahaas waxay ka mid noqon karaan:
- Dukumentiyo muujinaya hanjabaadaha lagugu sameeyay, ama sawirro muujinaya dhaawacyada laguu geystay.
- Dukumentiyada la xiriira militariga. Haddii aad u shaqeysay militariga, keen dhammaan dukumentiyadaaga la xiriira militariga, sida buugga ama kaarka militariga. Haddii aad ka tirsanayd militariga laakiin aadan haysanin dukumentiyadaas, u diyaargarow inaad sharaxaad ka bixiso sababta aadan u haysanin.
- Dukumeentiyada caafimaadka ee la xiriira sheegashadaada qaxootinimo.
- Dukumentiyada qoyska sida buug qoyska, waraaqaha dhalashada carruurta, waraaqaha guurka iyo furiinka.
- Waxaa ku dhibaya dowladdaada ama dowladdaadu ma rabto ama ma awoodo inay kaa difaacdo kuwa kale oo doonaya inay ku dhibaateeyaan.
- In aad ka baqeyso waxyeello halis ah sababtoo ah:
- Qowmiyad
- Diin
- Jinsiyad
- Aragti siyaasadeed
- Xubinnimo koox bulsho oo gaar ah ku midaysan
Koox bulsho oo gaar ah waa koox dad ah oo wadaaga wax ay iska siman yihiin oo aysan beddeli karin ama aysan khasab ku ahayn inay beddelaan. Tusaalooyin waxaa ka mid ah: qof ka baqaya in la dhibaateeyo sababtoo ah wuxuu xubin ka yahay qoyska qof kasoo horjeeda dowladda, ama qof ka baqaya waxyeello sababtoo ah waa LGBTI.
Kuma filna inaad ka baqayso waxyeello. Waa inaad muujisaa inaad ka baqayso waxyeellada mid ka mid ah sababahan.
- Adiga, codsadaha ah, si macquul ah uma awoodid inaad u guurto meel ammaan ah gudaha waddankaaga.
- Waa inaan "laga saarin" ilaalinta qaxootiga.
- Codsadayaasha galay dambiyada waaweyn ama dembiyada dagaalka waa laga saari karaa.
- Codsadayaasha helay dhalashada ama bixinta darajada sida dhalashada waddan kale waa laga saari karaa.
Diyaarinta waraysiga ka hor:
Wareysigaaga ka hor waa in aad fariisataa oo aad qortaa dhacdooyinka sida ay u kala horreeyaan. Tan waxaa ku jiri kara taariikhihii aad ka soo carartay gurigaaga ama taariikhaha lagugu hanjabay. Dhacdooyinkaas qaarkood waxay keeni karaan xasuus xun ama adag, laakiin waa muhiim inaad u diyaargarowdo inaad ka hadasho.
Haddii aadan wax qori karin, waxaad codsan kartaa caawimaad ama waad dib u eegi kartaa adigoon qorin.
Ha keenin waxaad qortay waraysigaaga. Waxa kaliya oo ay kaa caawinaysaa inaad isu diyaariso.
Ka sheekaynta sheekadaada inta lagu jiro waraysiga
Had iyo jeer u sheeg runta inta lagu jiro wareysigaaga. UNHCR waxay hubin doontaa in sheegashadaadu tahay mid la aamini karo iyo in kale. Taas macnaheedu waa inay go'aansanayaan inay aaminsan yihiin inaad run sheegayso.
Sarkaalka UNHCR ayaa ku weydiin doona waxa kugu dhacay dalkaagi hooyo. Waxay ku weydiin doonaan sababta aad uga soo tagtay dalkaaga.
Way ku caawin kartaa in aad isku daydo inaad sheekadaada u sheegto sida ay wax u kala dhaceen, iyadoo la raacayo taxanaha dhacdooyinka. Sheekadaada sidan u sheegista waxay ka caawin kartaa sarkaalka UNHCR inuu si fiican u fahmo wixii kugu dhacay.
Sarkaalka UNHCR ayaa sheekadaada barbar dhigi doona xogta wararka ama warbixinada ku saabsan xaalada wadankaaga.
Sarkaalka UNHCR ayaa laga yaabaa inuu ku weydiiyo foomkaaga diiwaan gelinta oo uu isbarbar dhigo waxaad ku leedahay wareysiga iyo foomkaaga diiwaan gelinta.
Sarkaalka UNHCR waxa laga yaabaa inuu tilmaamo iswaafaqayn u dhaxaysa foomka diiwaangelintaada ama waraysi kale iyo waxaad u sheegtay. Waa inaad sharaxdaa iswaafaq la'aanta ama cadee sababta labada hadal dhab ahaantii isku waafaqayaan.
Haddii ay jirto arrin aadan rabin inaad ka hadasho iyadoo qoyskaaga joogaan, looma baahna inaad la wadaagto hortooda. Laakiin hubi inaad sheegto sheekadaada oo dhammeystiran. Waxaad u sheegi kartaa sarkaalka UNHCR in aad jeclaan lahayd in wareysiga si gaar ah loo sii wado.
U sheeg sheekadaada si faahfaahsan
Aqoonso cidda wax ku geysatay ama isku dayday inay wax ku yellaan. Tusaale ahaan, imisa qof ayaa joogtay? Maxay xidhnaayeen? Ma isku kasheegeen? Yaad u malaynaysaa inay ahaayeen?
Aqoonso inta jeer ee dhacdooyinka dhacen. Tusaale ahaan, dhacdadu miyay dhacday hal mar oo kaliya? Haddii kale, imisa jeer ayay dhacday,mudo intee le'eg ayayse dhacday?
Dhegayso si taxaddar leh su’aalaha uu sarkaalka UNHCR ku waydiinayo, kuna jawaab si daacad ah oo cad. Hubi in jawaabaha aad bixineyso ay si toos ah ugu saabsan yihiin su’aalaha lagu waydiiyay.
La shaqaynta turjumaanka
Haddii aad u baahato turjubaan inta lagu jiro wareysigaaga, ku jawaab su’aalaha adigoo adeegsanaya jumlado gaagaaban. Tani waxay ka caawinaysaa turjubaanka inuu si buuxda u tarjumo sheekadaada. Sii turjubaanka waqti uu si faahfaahsan ugu turjumo dhammaan faahfaahinta sheekadaada sarkaalka.
Waa inaad u sheegtaa sarkaalka haddii:
- Aad dhibaato ku qabto fahamka turjubaanka.
- Aad u malaynayso in turjubaanku aanu si buuxda kuu fahmayn.
- Turjubaanku aanu si buuxda u tarjumin wixii aad sheegtay.
- Turjubaanku kuu muujiyo ixtiraam darro.
Kadibna si faahfaahsan u sharax dhibka aad ka qabto tarjumaadda. Turjubaankaagu wax saamayn ah kuma yeelanayo natiijada ugu dambeysa ee kiiskaaga. Turjubaanka lama wadaagi doono kiiskaaga meel ka baxsan wareysiga. Waxaa laga rabo inuu xogtaada si qarsoodi ah u hayo.
Waraysiga sirta
Bilowga wareysiga waxaa suuragal ah in dhammaan xubnaha qoyskaaga ay goob joog ahaadaan. Haddii laguu weydiiyo wax aad ka xishoonayso inaad ka hadasho iyagoo jooga, u sheeg sarkaalka in aad doorbideyso in aad arrintaas si gaar ah uga hadashaan. Tani waxay ka fiican tahay inaad ka tagto faahfaahin muhiim ah ama aad tiraahdo, “Ma aqaan.”
Xog guud
- Sida loogu jawaabo su’aalaha marka aadan garanayn jawaabta. Haddii lagu weydiiyo su’aal aadan garanayn jawaabteeda, ha bixin macluumaad khaldan.
- Laakiin haddii aadan xasuusan faahfaahin gaar ah, sharax inta aad xasuusato. Kadibna sharax sababta aadan u xasuusan inta kale. Waxaa ka fiican in aad tiraahdo "ma xasuusto" ama "ma aqaan" iyo in aad sharaxdo sababta.
- Tusaale ahaan, haddii lagu weydiiyo taariikhda uu dhacay wax gaar ah, adiguna aad xasuusato oo keliya in uu dhacay xagaagii 2013, u sheeg in uu dhacay xagaagii 2013 halkii aad ka sheegi lahayd taariikh sax ah oo aadan hubin.
- Haddii aad u baahato nasasho, waad codsan kartaa. Ma aha wax akhlaaq-darro ah ama xushmad-darro ah in la codsado nasasho gaaban inta lagu jiro wareysiga. Waa muhiim in aad is dareento raaxo markaad sheekadaada wadaagayso. Haddii aad niyad-jabto ama aad raaxo-darro dareento, codso nasasho gaaban si aad u degto oo aad fikirkaaga dib isuugu ururiso.
- Ha ka tagin wax muhiim ah. Hubi inaad sarkaalka u sheegto dhammaan wixii uu ku weydiiyo. Ka jawaab su’aalaha sarkaalka oo diiradda saar arrinta uu ku weydiiyay.
- Had iyo jeer runta sheeg. Waxa kasta oo lagu waydiiyo, mar walba sheeg runta. Haddii aad ka baqayso in jawaabtaadu ay dhaawici karto kiiskaaga, haddana waxa fiican in aad sheegto runta. Kadib waxaad sharxi kartaa sababta faahfaahintaas aysan u dhaawaceynin kiiskaaga. Sarkaalka wuu diidi karaa kiiskaaga haddii aad bixiso macluumaad khaldan.
Kadib waraysigaaga RSD
Sida ugu dhakhsaha badan ka dib wareysigaaga, qor faahfaahinta muhiimka ah ee ka soo baxday wareysiga. Qor magaca sarkaalka UNHCR iyo turjubaanka. Sidoo kale, qor meelaha sheekadaada ee aad u malaynayso inay sarkaalka u muuqatay kuwo jahawareer leh ama aan si buuxda loo fahmin.
Mashruuca Caawinta Qaxoontiga Caalamiga ah (IRAP) waxa uu siiyaa caawimo sharci oo bilaash ah qaar ka mid ah qaxootiga iyo barakacayaasha.
- IRAP waxay caawisaa dadka qaar inay helaan adeegyo oo ay diyaariyaan codsiyada qaxootiga iyo fiisaha.
- IRAP kama mid aha dawlad, IOM, ama UNHCR.
- IRAP ma siin karto sharci qaxooti ama fiisooyin mana dadajin karto kiisaska.
- IRAP ma bixin karto kaalmo dhaqaale, ma heli karto ama ma bixin karto guryaha, mana heli karto shaqooyin.
- Dhammaan caawinta IRAP waa bilaash. Ma jiro qof ku xiran IRAP xaq uma laha inuu ku weydiiyo lacag ama adeeg kale.
IRAP waxay go'aansataa inay caawiso dadka iyadoo ku saleysan baahidooda iyo u qalmida heerka socdaalka. IRAP ma go'aansato in ay caawiso dadka iyada oo loo eegayo shuruudo kale oo bulsho ama siyaasadeed ama diimeed.
Mareegtan waxa ay ku siinaysaa macluumaad guud oo ku saabsan hababka sharci ee ay heli karaan qaxootiga qaarkood. Looma jeedo talo sharci ahaan codsiyada shakhsi ahaaneed.
Shuruudaha ayaa laga yaabaa inay isbedelaan. Had iyo jeer hubi shuruudaha hadda jira ee dawladda ama wakaalada markaad go'aaminayso codsigaaga.
Haddii aad ku jirto xaalad degdeg ah oo qaxooti, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto xafiiska UNHCR ee dalka aad ku nooshahay.
Comments
0 comments
Please sign in to leave a comment.