Jadwalka Mawduuca
Soo koobid
Hagahan waxa uu bixinayaa soo koobida habka go'aaminta xaaladda qaxootiga ee UNHCR (RSD).
Waa maxay Go'aaminta Xaaladda Qaxootinimo?
Go'aaminta xaaladda qaxootinimo waa hanaanka lagu go'aamiyo in qof uu yahay qaxooti iyo in kale. Dadka codsanaya in loo aqoonsado qaxooti waxaa badanaa loo yaqaannaa magangalyo-doon. Qofku waxa uu qaxooti noqonayaa haddii uu buuxiyo dhammaan shuruudahan:
- Waxaad ku sugan tahay meel ka baxsan waddankaaga.
- Waxaad ka baqaysaa in aad la kulanto dhibaato weyn haddii aad ku laabato dalkaagi.
- Cabsi aad qabto waa mid "si macquul ah loo aaminsan karo.
- Waxaad u baqaysaa waxyeello culus sabab la xiriirta:
- Jinsiyaddaada
- Diintaada
- Qarankaaga
- Aragti siyaasadeed
- Xubinnimadaada koox bulsho oo gaar ah
- Waxaa ku dhibateynayo dowladda dalkaagi hooyo. Ama, dawladda dalkaagi ma rabto ama ma awooddo inay kaa difaacdo kuwa kale ee raba inay ku dhibaateeyaan.
- Ma jirto meel ammaan ah oo si macquul ah aad ugu guuri karto gudaha waddankaaga.
- Lagama reebin xaaladda qaxootinimada haddii aadan gelin dambiyo culus.
Shuruudahani waxay ka yimaaddeen Heshiiskii Qaxootiga ee 1951.
Wadamo badan, dowladda ayaa go'aansata in qofku yahay qaxooti iyo in kale. Nidaamka ay dowladdu maamusho waxaa inta badan loo yaqaannaa nidaamka magangalyada. Tobanaan waddan, UNHCR ayaa go'aansata haddii qofku yahay qaxooti. Nidaamyada UNHCR ee RSD had iyo jeer waa bilaash. Macluumaad dheeraad ah oo UNHCR ka soo baxay oo ku saabsan RSD waa halkan.
Waa maxay habka RSD ee dalka aan ku noolahay?
Haddii aad rabto in aad codsato magangalyo, waa in aad ogaataa in UNHCR ama dawladdu ay go'aan ka gaaraan codsiyada RSD. Wadamo badan, macluumaadka ayaa laga heli karaa websaydka UNHCR ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka.
Habraacyada go'aaminta qaxootinimada ee UNHCR way ku kala duwan yihiin waddamada kala duwan. Dalal badan, qofku marka hore waxa uu iska diiwaangeliyaa UNHCR iyadoo loo marayo telefoon ama xafiiska UNHCR. Mararka qaar, UNHCR waxay si degdeg ah u siin kartaa shahaadada magangalyodoonka ee UNHCR iyo lambarka diiwaangelinta. Waxaas oo dhan waxay ku xirnaan doonaan habraaca UNHCR ee waddanka aad ku nooshahay.
UNHCR waxay u jadwalin kartaa qof wareysi go'aaminta qaxootinimo (RSD) kadib diiwaangelinta. Inta lagu jiro wareysigaan, sarkaal ka tirsan UNHCR ayaa ku waydiin doona su'aalo si uu u go'aamiyo haddii aad tahay qaxooti. IRAP waxay haysaa hagayaal halkan yaalla si ay kaaga caawiso diyaarinta wareysiga RSD. Hagaha IRAP ee ku saabsan habka dib-u-dejinta waxa uu yaalla halkan.
Waddamo qaar, dadyoowga qaarkood ma maraan habka go'aaminta qaxootinimada ee qof-qof ah. Halkii ay wareysi qofeed mari lahaayeen, UNHCR waxay waddamo qaar si toos ah ugu aqoonsataa dadka kasoo jeeda qoomiyado gaar ah inay yihiin qaxooti.
Maxaa dhacaya haddii codsigayga RSD la diido?
Haddii UNHCR ay diido codsigaaga kadib wareysiga RSD, waa in ay ku siiso warqad ku qoran luqad aad fahmeyso. Warqaddaas waa in ay sharaxdaa sababta laguu diiday.
Waxaad xaq u leedahay inaad racfaan ka qaadato go'aankaas. Meelo badan, UNHCR waxay bixisaa kaliya soddon (30) maalmood si racfaan loo gudbiyo. Waa muhiim inaad hubiso inaad la kulanto waqtiga kama dambaysta ah.Waxaad sidoo kale hubisaa inaad bixiso macluumaad si aad uga jawaabto sababta ay UNHCR u diiday codsigaaga.
Xaalado xaddidan, qaxootiga waxa ay weydiisan karaan UNHCR in dib loo furo faylkooda, xitaa haddii racfaankooda la diiday ama waqtigii racfaanka la dhaafay.
Liiska hay’adaha caawinta sharciyeed ee bilaashka ah ee waddamada qaar waxa uu yaal halkan. La xiriir hay’adda(ha) ku sugan waddanka aad ku nooshahay si ay kaaga caawiyaan racfaankaaga.
Macluumaadka ku saabsan sida IRAP kuugu caawi
Mashruuca Caawinta Qaxoontiga Caalamiga ah (IRAP) waxa uu siiyaa caawimo sharci oo bilaash ah qaar ka mid ah qaxootiga iyo barakacayaasha.
- IRAP waxay caawisaa dadka qaar inay helaan adeegyo oo ay diyaariyaan codsiyada qaxootiga iyo fiisaha.
- IRAP kama mid aha dawlad, IOM, ama UNHCR.
- IRAP ma siin karto sharci qaxooti ama fiisooyin mana dadajin karto kiisaska.
- IRAP ma bixin karto kaalmo dhaqaale, ma heli karto ama ma bixin karto guryaha, mana heli karto shaqooyin.
- Dhammaan caawinta IRAP waa bilaash. Ma jiro qof ku xiran IRAP xaq uma laha inuu ku weydiiyo lacag ama adeeg kale.
IRAP waxay go'aansataa inay caawiso dadka iyadoo ku saleysan baahidooda iyo u qalmida heerka socdaalka. IRAP ma go'aansato in ay caawiso dadka iyada oo loo eegayo shuruudo kale oo bulsho ama siyaasadeed ama diimeed.
Mareegtan waxa ay ku siinaysaa macluumaad guud oo ku saabsan hababka sharci ee ay heli karaan qaxootiga qaarkood. Looma jeedo talo sharci ahaan codsiyada shakhsi ahaaneed.
Shuruudaha ayaa laga yaabaa inay isbedelaan. Had iyo jeer hubi shuruudaha hadda jira ee dawladda ama wakaalada markaad go'aaminayso codsigaaga.
Haddii aad ku jirto xaalad degdeg ah oo qaxooti, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto xafiiska UNHCR ee dalka aad ku nooshahay.
Comments
0 comments
Please sign in to leave a comment.